Waxyaabaha aanan soonka jebinin waxaa ka mid ah:*

أللهم صل وسلم وبارك على نبينا وحبيبنا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
*👉🏿Waxyaabaha aanan soonka jebinin waxaa ka mid ah:*

1. Dhiig qof loo shubo
3. Qubeyska
4. Cadaysiga
5. Candhuufta
6. Cunid & cabid aan loo qasdin – hilmaan
7. Matag kusoo dhaafay oo aan qasad aheyn
8. Janaabo kaa imaatay adigoo maalinkii hurda
9. Waaga oo kuu barya adoo janaabo qaba

*👉🏿Waxyaabaha Soonka jebiya waxaa ka mid ah:*

1. Cunid & cabid
2.Jamaaca maalinkii
3. Matag kas la isaga keeno
4. Cirbado nafaqo leh oo la qaato
5. Shahwada oo la isaga keeno si kas ah
6. Caadada & xeydka dumarka
7. Haddii uu diinta ka baxo isagoo soomman
8. Haddii uu waasho isagoo soomman

*👉🏿Sidoo kale, iska illaali waxyaabaha naaqusiya ajirka soonka oo ay ka mid yihiin:*
1. Xanta
2. Caayda
3. Isku dirka
4. Beenta
5. Indhaha oo meel xun lagu eego
6. Dhegaha oo xumaan lagu dhegeysto
7. Qamaarka oo la dheelo
8. Dagaalka

*👉🏿Waxyaabaha sare u qaada ajirka soonka waxaa ka mid ah:*
1. Qur’aan akhriska badan
2. Salaadaha sida taraawiixda & taajudka
3. Wanaagga oo la is-faro xumaanta oo la iska reebo
4. Dariiqa oo laga qaado waxyaabaha dadka dhibaaya
5. Indhaha oo la laabo
6. Carrabka oo la xakameeyo
7. Masaajidka oo la cammiro
6. Farjiga oo la dhowro

*👉🏿Soonka qofku waa uu iska furi karaa haddii*
1. Uu yahay musaafur
2. Uu xanuunsado
3. Uu ummulo
4. Uu caadoodo
5. Uu caqligiisu tago
6. Uu u cabsado ilmaha caloosha ku jira

Allaha naga aqbalo soonka iyo salaada
Dhamaanteen aamiin aamiin aamiin🤲

Leave a Comment