CALAAMADAHA LAGU GARTO ISHA BINI’AADANKA (CAYUUMA NAAS).

CALAAMADAHA LAGU GARTO ISHA BINI’AADANKA (CAYUUMA NAAS). 

Calaamadaha lagu Garto iney il (Cayuuma Naas) ku heyso, waxaa ka mid ah:-

1- Garaaca Wadnaha ah mar kasta Xoog u Shaqeeya ama Waqtiyada qaar.

2- Baabacooyinka Gacmaha ama Lugaha oo uu Kulayl laga Dareemo.

3- Qofka oo mar kasta Madaxa Xanuuno.

4- Qofka oo ka Baqa Guurka kana sii War-wara.

5- Hurdo La’aan.

6- Saska Faraha Badan ee Habeenkii.

7- Shaki fara Badan iyo Qofka oo ka Fikira mar kasta waxa ku Dhici doona.

Isha Bini’aadanka waa Labo:- Mid aad Garaneyso Cidda ku ileysay ama ku Xaasiday, taasi waxaad kaga Bogsan kartaa sida Rasuulka CSW, uu sheegay in Biyo uu Qofka Ishu ka dhacday ku Weyseestay ka Ishu ku dhacday ku Qubeysto.
laakin hadaanad Garanayn Cidda ay Isha kaaga dhacday waxaad Sameyneysaa sidan:-

Hadaba Adiga ayaa Quraanka isku Akhriyi kara Adigoon cid kale u Tagin laakin waa inaad wixii hore ee aad samayn jirtay ee Ficilo Xun-xun ahaa aad joojiso, ilaahayna aad Talo saarato.

BISMILLAAHI  RAXMAANI, RAXIIM.

Biyo ayaa waxaad ku Akhrineysaa Suuratul Faatixada (7 jeer).

Aayatul Kursiga (7jeer)

Suuratu Israa Aayada (81-82)
وننزل من القران ما هوشفاء ورحمة………….

Suuratul Fusilat (43-44).
ولو جعلناه قرءانآ……

Suuratul Tabaarak (1-4).

Suuratul Qalam ( 50-51).
وإن يكاد الدين كفرو ليزلقونك بأبصارهم…

Suuratul Ikhlaas (1).

Suuratul Falaq (1).

Suuratu Naas (1).

Biyuhu waa iney kuu Filan yihiin inaad Cabto, Barka kalana jirka Dhamaantiisa ayaad ku Marineysa Mudo Usbuuc ah adigoo ilaahay Talo saaranaaya.

Insha Allaah Usbuuc ka Bacdi wax isku arki maysid Bi’idnilaah.
   #Sheikh caydaruus

Leave a Comment