Raadka ka qaado xasadka
Sidee baa raad looga qaadan karaa qof ku ilaystey ama qof xaasid ah?
Si degdeg ah oo la hubo insha alaah:
Su’aal ay inta badan is weydiiyaan dadka isha iyo xasadka la ildaran. Maxaan sameeyaa ama sidee sameeyaa haddaanan raad toos ah ka qaadan karin midka I ilaystey ama I xasdey?
Waxaa la og yahay in qofka xaasidka ah iyo ka ilaystaha ah uu inta badan yahay saaxiib, qaraabo, ama xataa qofka laftiisa ama dadka kuugu dhow.
Mararka qaarkood ma amri kartid Midka ku ilaystey inuu qubeysto, ama uu soo weyso qaato si aad qeysadiisa u isticmaasho, ilaa aad ka hesho saamaynta uu kaga saaro isha iyo xasadka.
Haddaba maxaad qaban ?
Sidee u Sameyneysaa ?
🗣 Arintaan jawaabteedu waa mid aad u fudud insha allah. Waxaad dhibaatadan ku xallin kartaa hal amar. Waxaad raad raacdaa Midka ku ilaystey Ama ku xasdey isagoon ogayn. Macnaheedu waa markuu kuu yimaadaan ha ahaado nin ama Haweney.
Muxuu qofkani hayaa?
Hadduu gacanta ku qabsado koob qaxwo ah, ama maro, ama meel uu kufadhiyo, Sido kale in maryo aad leedahay uu xidho kan ilaystaha ama xaasidka ah, sidoo kale gogol uu ku jiifsadey sida go’a Ama biyo inuu nus ka cabey nusna uu koobka ku hadhey, Si aad raad uga hesho
🗣 Markaa raadkan aad ka soo qaadatey Ileystihii ama qofka xaasidka ahaa waxaad ku riddaa biyo aad ku tufatey Suuratu yuusuf Biyahaas dhawrkaa sheyba waad ku rudeysaa waxaadna ku dhaafeysaa mudo 1saac ah.
🗣️ Dabadeed Isla biyihii aad ku ridey Dhawkii shay waa hadba kii uu qabtee u qaybi 3 meelood biyahay waadna ku meydhani biyahaas 3bari oo isku xigta Maalinta koowaad, maalinta labaad, iyo maalinta saddexaad. Waxa u fiican in xadiga biyuhu ku habboon yahay.
👉🏻 Taas macneheedu waxa weeye marka aad raad-raacan qaadatid, ku rid, tusaale ahaan, ku rid shan litir oo biyo ah oo lagu akhriyo aayadaha isha iyo xasadka, labada xasad, aayatul kursi, iyo suuradda Al-Faatixa. Shantaas litir ee biyaha ah saddex maalmood u qaybi, maalin walbana qayb ku maydho sidaan hore usheegney, haddii Eebbe idmo waxaad ka heli doontaa faa’iido weyn, isha iyo xasadkaba jidhkaaga weyka nadiifoobayaan dib danbene iskuma arki doontid.
Habkani aad buu faa’iido ugu leeyahay kuwa la ildaran dhibaatooyinka isha ee joogtada ah. Ama xaasid joogto ah. Maxaan uga jeednaa si joogto ah,
Yacni qofka kuu dhow maalin walbo kula kulma kulana joogi kara, tusaale islaantaan aan waxba haysanna ay maalin walba kula kulanto, sidaas darteed haddii Alle idmo waxaad kaga adkaan kartaa isha xun iyo xaasidnimo kugu dhacday isaga ama iyada.
🗣️ Sidoo kale weelka uu biyaha ku cabo adigoo ku akhrinaayo aayada ah
{وَإِن يَكَادُ الَّذِينَ كَفَرُوا لَيُزْلِقُونَكَ بِأَبْصَارِهِمْ لَمَّا سَمِعُوا الذِّكْرَ وَيَقُولُونَ إِنَّهُ لَمَجْنُونٌ}
inta biyaha uu reebey ee galaska ku jirto ama koobka cab taasina aad ayey saameyn weyn ugu yeelaneysaa ilaystaha iyo xaasidkaba.
Ama koob bun ah, ama dharka uu xidhan yahay aad maydho, haddii Alle idmo, Ishu waa kaa tagayaa, xumaantuna way kaa baxaysaa, xaasidnimada iyo ciddii la kulmana way kaa tegayaan.
Waxaan u arkay habkan mid faa’iido leh, waadna inoo ducayn doontaa, Illahay idamkii,
وصلى الله على نبينا محمد وعلى وصحبه اجمعين. والحمد لله رب العالمين.
Sheikh_Caydaruus
#Naftaada_Dabiib