Waano_Qof_walbo_xanuusan
#Waano_Qof_walbo_xanuusan
Ha weynayn Xanuunkaaga iyo waxa ku asiibey (Jinni)
Shaydaanka ha weynaynina, maxaa yeelay shaydaanku waa daciif annaguna waxaanu nahay kuwa ka sii xoogeeya cabsida aanu ka qabno.
Runtu waa inay anaga naga baqaan oo cabsi ay gasho markey magaceena maqlaan.
Ka Adkow Naftada iyo Shaydaanka oo Alle Talo Saaro, adiga oo Yaqiinsan, oo alle uu ku la jira Shaydaanku kaa adkaan maayo.
Maalin walba shaydaanka u sheeg inaad tahay mid aan asaga ka baqin kana xoog badan illeen alle hadii uu garabkaaga yahay shaydaan adaa ka awood sareeyo.
La dagaalanka Shaydaanku waxa uu ka mid yahay Jihaadka ugu waa wayn ee ku raaxayso Jihaadkaaga waayo kaliya ma jabiyo Shaydaanka ee waxa kale oo uu ku kasbaday Camal badan oo Wanaag ah maalin kastana waxa uu kuu soo dhawaynayaa Alle.
Ha u ogolaan shaydaanku inuu ku niyad jabo, laakiin ka dhig inuu kaa niyad jabo adiga oo ku daciifinaya akhrinta Qur’aanka kariimka ah,
Ha u oggolaan inuu ku cabsi geliyo, laakiin isaga waa inaad cabsi galisaa ,
Ha u ogolaanin inaad ka murugooto Nolasha aad ku sugan tahay, , laakiin ku qanacsanow, oo raali ka noqo waxa ku’asiibey wa waa wax yar oo aad ka guuleysan karto, rajadadane Ha dhigin.
#Ogow qofka dhibbanoow, in dhibkaagu uusan ahayn ciqaab, balse uu yahay jacaylka Eebbe kuu qabo, dhibkana ha u qaadanin imtixaankaaga ugu weyn.
iskaba daaye eega hareerahaaga kuwa adiga kaa daran, waxaadna ogaanaysaa inaad dad badan ka khayr badan tahay, ee Ilaahay ku shukri xaalka aad ku sugan tahay, taasina waxay noqonaysaa dharbaaxadii ugu waynayd ee Shaydaanku gaadhay.
#Sheikh_Caydaruus
#Naftaada_Dabiib