SIXIRKA_GAALNIMADA: 😱❌
#SIXIRKA_GAALNIMADA: 😱❌
ــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــ\✓
Qofkii u gargaara saaxiriinta (ama qof la yiraahdo Sheekh ruuxi ah) oo u kaalmeysta si ay jinka (shaydaanka) u sakhiraan baahi, uga celiyaan xumaanta, ama sixirka u jebiya, wuxuu ku dhacay gaalnimo iyo shirkiga Kaasoo alle ka galey Eebbe koreeyey..
◼️((Sixiroolaha ama ruuxii gargaar ka doona asaga waa gaal))
💥 Sida uu yiri Eebbe kor ahaaye:
{وَمَا كَفَرَ سُلَيْمَانُ وَلَٰكِنَّ الشَّيَاطِينَ كَفَرُوا يُعَلِّمُونَ النَّاسَ السِّحْرَ}
{Suleymaanna ma gaaloobin, laakiin shayaadiinta ayaa gaaloobay, iyagoo dadka baraya sixirka}.
💥 Ilaahay kor ahaaye wuxuu yidhi:
{وَمَا يُعَلِّمَانِ مِنْ أَحَدٍ حَتَّىٰ يَقُولَا إِنَّمَا نَحْنُ فِتْنَةٌ فَلَا تَكْفُرْ} [البقرة: 102]
{Waxna ma barin ilaa ay ka dhahaan waxaan nahay imtixaam ee ha gaalaysiinin}.
Qofkii kaalmaysta sixiroole si uu ugu sakhiro shayaadiinta si uu arrin ugu gargaaro, Kadib una gargaara cadowga Eebbe
💥 Wuxuuna Eebbe kor ahaaye ku yidhi;
{أَفَتَتَّخِذُونَهُ وَذُرِّيَّتَهُ أَوْلِيَاءَ مِن دُونِي وَهُمْ لَكُمْ عَدُوٌّ ۚ بِئْسَ لِلظَّالِمِينَ بَدَلًا} [الكهف: 50]
{Ma waxaad ka yeelanaysaan isaga iyo faracii Iga soo hadhay oo iyaga ah cadawgiinna, maxaa u xun daalimiinta.}.
Sixirooluhu wuxuu ula yimaadaa shaydaanka shaydaanku wuxuu jecel yahay sida inuu u gawraco Eebbe ka sokow, ruuxii adeeca iyaga oo Eebbe caasinayana kaasu waa gaal oo waa gaal, Maxaa yeelay wuxuu addoon u noqday shaydaan, taasina waa shirkiga ugu wayn,
Haddii uu tukado, soomo, qur’aan akhriyo, baryo ilaahay, Waxba intaasi uma soo kor dhinayso Sababtoo ah shirkigu waxa uu burinayaa camalka oo dhan.
Sixiroolaha waxaa loogu yeeri karaa “Magacaabi Karaa”
( Daaweeye ruuxi ah ama Sheekh ruuxi ah, tanina waa qeyb ka mid ah khiyaanada ay ku dhaqmaan saaxiriinta si ay ugu qurxiyaan foolxumada camalkooda). Waxa uu ku andacoonayaa in uu u gargaarayo jinka Muslimka ah, ama waxa uu ugu yeeri karo “Adeeg”, si uu u sameeyo wanaag iyo heshiinta labada qof ee isqabta, ama fulinta danaha dadka, Ama inuu naftiisa ka ilaaliyo dhib ama inuu sixirka iyo camalkaba jabiyo:
◼️In la sameeyo xijaab, xadhig, jijin, ama faraanti ruuxi ah, xataa haddii ay ku jiraan aayado Qur’aan ah.
◼️Si uu uga codsado raadkaaga ama qof kale.
◼️Sidoo kale wuxuu ku weydiinaa Magacaaga, magaca hooyadaa, Ama taariikhda aad dhalatey.
◼️Si uu kuugu sheegto in uu garanayo cidda kugu samaysay sixirka ama in aad ogaato macluumaad kale (qaybka ah) ilaahaybaa waxa maqan oge.
◼️In lagu siiyo tusbaxyo, faraanti, ama silsilado aad xidhato si aad isaga ilaaliso waxyeelada ama ku siiso xoogaa xoog ah, Ogowne Sabab kale kuuma siinayo aan ka ahyn inuu ku dhibaateeyo.
◼️In uu ka codsado in loo keeno xoolo ay gowracaan oo ay allabari ahaan u bixiyaan jinka iyo shayaadiinta. (lasocone waa shirki).
◼️Si uu u sheego aqoonta meelaha ay ku yaalaan waxyaalaha qadiimiga ah ama awoodiisa soo saarista.
◼️Ku dhawaaqida ereyo aan la fahmi karin ama aan la maqli karin, haddii la isticmaalayo Wax qiijin (Bukhuur) iyo haddii kale.
◼️ Si uu u weydiisto sawirkiisa, ama qof kale, ama qayb ka mid ah jidhkaaga, [ Ku dasroo suxarada qaarkood Way sixraan qofka si ay sina ula sameyeen ].
◼️ Waxa uu ku handacoodaa inuu Lamanihii is furey isku soo celini doono, Sidoo kale alaab meel laga xadey uu soo celini doono, iyo sidoo kale inuu laba qof oo is jecel is heli doonaan.
◼️Waxa kaloo uu ku handocoonayaa inuu og yahay Sida ay isku waafiqi karaan Xiliga ama taariikhda dhalashad.
◼️Si uu kui siiyo wax aad ku aasto (Meel).
Qofkii ku dhaca gaalnimadaas ama sixirka ku dhaqma, ama jinka la xiriira, ama saaxir la xiriira, waa inuu mar kale Islaamka u soo noqdaa oo u towbad keenaa Eebbe weyne.
Iyo qof kasta oo lagu dhibaateeye sixir ama la xasday, sida ku cad ruqiyada sharciga ah ee Qur’aanka Kariimka ah iyo Xuska dikriga ku jirta Sunnada Rasuulka (scw) Ducadana u noqo Eebaha wayn. Iyo in loo towbad keeno Allaha awooda leh Wuxuu ka xidhaa albaabada Shaydaanka ilaa uu Ilaahay dhibka ka saaro.
اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ أَنْ أُشْرِكَ بِكَ وَأَنَا أَعْلَمُ ، وَأَسْتَغْفِرُكَ لما لا أعلم.
https://youtube.com/@sheikhcaydaruus?si=P8Tx3qrWP0ZMQPwa
https://t.me/naftaadadabiiib
https://play.google.com/store/apps/details?id=com.serversom.somali_ruqyah
#Share
#Sheikh_Caydaruus
#Naftaada_Dabiib