Jidhkaaga xidhxidh
#Muhiimada_In_jidhka_la_xidhxidho_oo_la_xayndaabo_uu_u_leedahay_kuwa_la_sixray_iyo_kuwa_la_xasdey:
Xayn_daabku ama Jidhka oo la xidho waa kala goynta xidhiidhka ka dhexeeya taabashada gudaha ( Jinniga jidhka ku nool), ha ahaado adeege sixir ama adeege kasta oo isha xumaanta iyo xaasidnimada ka timaadda kuwa dibadda (Jinniga ka baxsan jidhka) ee arsaaqaya. sahay uu naftiisa ku xoojio marka uu go’o xidhiidhka ka dhexeeya gudaha iyo dibadda, daawaynta ayaa noqonaysa mid fudud, Idamka rabi,
Khaladka ugu badan ee dhaca oo sababa soo kabasho la’aan waa ilaalin la’aanta jidhka iyo dabacsanaanta iyo dayacaada Dhaman wax yaladii jidhka lagu xayndaabayey (Dikriga) Ilaalintu, ha ahaato xaga nafta ama guriga.
#Talo_Muhiim_ah
Haddaba Waxaa fiican in qofka la dhibateynayo ee xanuusani uu ka qariyo Warkiisa, Daaweyntiisa, dadka sababtoo ah xasadka ma taqaniid kuu yahay kuu noqon doono xataa Haddi aad og tahay ha u sheegin Mar leyba Xaaladaada iyo Arimahaaguba siri ha kuu ahaadaan, lahow wax qarsoodi ah, Waxa jiro xasad kuugu tagey saaxir si uu kuu dhibo waxa jiro mid ishiisa kugu lagdaayo waxa jiro kuwo isku bahaystey inay ku dhibaateeyaan oo nolashaada hawada ka saaraan, Haddaba ahaw qof go’aan leh inta uu ku gudo jiro Daawada cilaajinta quran saarkane ah mid qarsooodi u wata hawshiisa, alle talo saaro ogowna awooda alle kaligiis inuu iska leeyahay Kana maleyso ilaahay malo fiican abshir yaqiintaadane xooji.
#Sheikh_Caydaruus
#Naftaada_Dabiib