Marka horee waxaan idiin waani lahaa inaad Allaha abuurkiisa ku mahadino aqoona nabaray siduu Allah Noogu sheegay:
( خَلَقَ الْإِنسَانَ )
الرحمن (3)
Dadka wuu abuuray.
( عَلَّمَهُ الْبَيَانَ )
الرحمن (4)
Wuxuuna baray dadka ( Hadalka ).
( الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَمِ )
العلق (4)
Ee Dadka baray sida Qalinka wax loogu qoray.
العلق (5)
[عَلَّمَ الْإِنْسَانَ مَا لَمْ يَعْلَمْ }
Dadkana baray waxayna aqoonin.
Alllaha nagu manaystay cilmi iyo aqoon aan wax kala haagno nabarayna sidaa wax loo qoroo oo naga dhigay ummad wax qorta oo wax akhrisa wixii aan facaya diinteena iyo aduunyadeena.
Wa inaanu kobcino cilmiga diinteena Islaamka aanu ku dhaqanno wixii aanu baranay kadibna sii gudbino wixii aad baratay ee diinta ah.
Albaabkan cilaajinta ahii waxay uu baahan tahay aqoontaasi ee sharciga ah inaad baratid oo ku dhaqantid waana sunne ka sugnaaday rasuulkeena suuban ayna asxaabtiina ku dhaqmi jireen .
Akhriyee miyaad iswaydiisay muxuu xanuunadan haddii ay tahay Isha xasadka sixirka iyo jinkaba zamankan u bateen oo waagi horee uu jirii waayay?
Maxay ku kala duwaan yihiin zamankii nabiga wcs iyo saxaabadii iyo kan aad hadda kujirtid?
Muxuu u jiri waayay waagi nabiga meelo lagu dabiibo oo hadda uu bateen?
Su’aalaha iyo kuwo kale waxaay kugu caawinaysa inaad isku noqoto aadna garatid inay muhiim tahay inaad baratid aqoonna u lahaatid kuna dhaqantid sunnada nabigeena ah.
Cilaajintaasi aqoonteeda ayaa uu baahan akhriste?
Maa ani?
Maa adiga?
Maa hebel amase heblaayo?
Maa dad gaar u ah ?
Su’aashu jawaabteeda waa dhamman waanu uu baahan ahay inaanu barano aanu ku dhaqanno sunnada nabigeena صلي الله عليه.
Haddaba maxaa kaa xiga oo kaaga horjooga cilmigan barashadeeda Iyo ku dhaqanka sunnada nabigeena wcs inaanu soo nooleeno maxaadka qabtaa si aad uu heshid ajirka intaa leeg .
عَنْ عمرو بن عوف ، أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : ” مَنْ أَحْيَا سُنَّةً مِنْ سُنَّتِي فَعَمِلَ بِهَا النَّاسُ كَانَ لَهُ مِثْلُ أَجْرِ مَنْ عَمِلَ بِهَا لَا يَنْقُصُ مِنْ أُجُورِهِمْ شَيْئًا، وَمَنِ ابْتَدَعَ بِدْعَةً فَعُمِلَ بِهَا كَانَ عَلَيْهِ أَوْزَارُ مَنْ عَمِلَ بِهَا لَا يَنْقُصُ مِنْ أَوْزَارِ مَنْ عَمِلَ بِهَا شَيْئًا “.
حكم الحديث: صحيح
Rasuulku wcs wuxuu yiri: qofkii soo noolosiiya sunnayashayda mid kamida oo ku baraarujiya dadkana ay falaan qofkii falay ajir buu leeyahay isagoo kii horey waxba laga nosqaaminayn !
Waa garan karaa inaad is leedahay cilaajintu waa arrin adag uu baahan qof toosan balse maxaa ka xigga inaad noqotid qofkaasi!!!!!
Waxaanu arkaya zamaanka inuu cilmiga cilaajintu sida saxda ah ay sii yaraanayso oo kuwo khurafaad ah ay sii badanayaan balse maxaa ku diiday inaad soo nooleeso sunnda nabigeena wcs oo adiga bilowdid inaad kobcisid aqoontada diineed kuna dhaqan fashid waayo cilmi lagu camal fali waayo waxba mataro sii aad baritoole adigu cidna uu baahan iskuna tuftid adoo meelna aadin ,Inaad baratid iskuna tuftid qaraabaddaadana ku dhowna ku tuftid si aanu uu gaadhno ummad uu baahnayn dadkale oo wixii haleela tawakal la yimaadda iskuna tufa tufmada sharciga.
Hamiga aan uu sidoo ayaa ah inaay Allaha abuuray ka cabsadaan kuna dhaqmaan sunnada nabigeena wcs sii aanu ka cidhib tirno cilaajinta khurafaadka iyo shirkiyaadka hayo ummadda iskuna filnadaan ummadu in ugu yaraan laga helo xaafad walba mid tufa ah .
#Walaahu_aclam!!!!