#Wa_barnaamij__ah_sidaaa_aad_isaga takhalusi_lahayd_sixirka_isha_xasadka_iyo_jinkaba_wax_kayar_toddobaad.
Waa in la xaqiijiyaa oo la dhabeeyaa tawxiidka Ilaahay, lagana dheeraadaa shirkiga ama wax la wadaajinta Ilaahay (subxaanahu wa tacaalaa) cibaadadiisa, taas markii la helo wuxuu helayaa qofku amni iyo xasilooni.
1. Inaad rumiyeyso Qadarka Ilaahay khayrkiisa iyo sharkiisa, taas oo ah tiir kamida tiirarka Iimaanka ee lixda ah. Wuxuu yiri Rasuulku (s.c.w):
[لا يؤمن عبدٌ حتى يؤمن بالقدر خيره وشرّه، حتى يعلم أنّ ما أصابه لم يكن ليخطئه، وأنّ ما أخطئه لم يكن ليصيبه.] أخرجه الترمذي في كتاب القدر
“Ma rumayn addoon illaa uu ka rumeeyo Qadarka khayrkiisa iyo sharkiisaba, illaa uu ka ogaado waxa asiibay inuusan ahayn wax gafi lahaa, waxa seegayna in uu ahaa wax aan marna ku dhici lahayn.” Waxaa soo saaray xadiiskan Tirmidi, Kitaabka Qadarka.
2. Inaad ogaatid waxa kugu dhacay oo musiiba ah inuu yahay imtaxaan Ilaahay kaa qaadayo, ajirna kuugu siinayo, waxaad kaloo ogaataa inay tahay musiibadaasi calaamad ku tusinaysa jacaylka Ilaahay ku jecel yahay. Waayo ibtilooyinka waxay u yihiin mu’minka saabbuun ka mayraysa dunuubta. Wuxuu yiri Rasuulku (s.c.w):
[إنّ عظم الجزاء مع عظم البلاء، وإنّ الله إذا أحبّ قوماً ابتلاهم، فمن رضي فله الرّضا، ومن سخط فله السخط.] أخرجه الترمذي
“Waynaanta abaal marintu waxay ku salaysan tahay waynaanta balaayada, Ilaahayna hadii uu jeclaado qolo wuu itaxaanaa (ibtileeyaa), haddaba qofkii raali ku noqda wuxuu leeyahay raalinimo, qofkii ka cadhoodana wuxuu leeyhay cadho.” Waxaa soo saaray xadiiskan Tirmidi.
3. Waa inaad ku samirtaa, ajirna xisaabsataa Ilaahay agtiisa, xoojisaana ku xidhnaanta Ilaahay. Waxaadna mar walba Ilaahay waydiisataa inuu ku siiyo caafimaad.
1-weesada qaado intaanad seexan iskuna day weesada inaad u waseesatid si daganaasho oo tadabur leh qalbigaagana soo jeeda, markaad dhamaysid oo akhri ducada la dhaha weesada kadib.
2-Hadaba waad soo weeseesatay waxad rabta inaad seexatid intaanad aad seexan gogoshaada hurguf , waxaadna soo qaadaa (qisdiga baxriga iyo ka bariga ) biyoo milix yarna kudar kuna akhri quraanka karimka ee ku haboon haddii ay tahay aayadaha isha, sixirka iyo jinkaba kuna buufi gogoshaada iyo agagaarka furashka ah.
3-waa inaad ku akhridid biyaha aayadaha kugu haboon amase iintaad garanaysid ku akhridid kuna celcelisid oo cabtid.
4-Waa inaad labada gacmood isku keentid kuna akhridid aayada kursi iyo labada aayadood ee suurada baqrah iyo ikhlaas iyo falaq iyo naas adoo ku afuufayo kadibna is marisid dhammaan jirkoo dhan saddex jeerna kusoo celcelisid .
5-hadaba maxa xiga waa ducoo aad duceesatid adigoo yaqiinsan yaqiin dhab ah oo aaminsan ducada aqbalkeeda uuna duceeysa jinka inuu ilaahay soo hadeeyo ( laga yaaba inuu ilaahay sabobta kusoo hadeeyo ) iskuna ducaysid oo tidhahdid: ” #ilaahow_iga_burburi_isha_amase_sixirka “). Waa inaad u ducaysatid duco isbihinbihin ku jirto adigo waliba ku celcelinaayo ducada inaa bandhigaysid xaaladaada aad hada ku sugan tihiin inkasto u ilaahay ka qarsoonayn.
6-Ducadii waad dhamaysay seexo iskuna janjeeri dhinaca midig adoo akhrinaaya suurada mulki.
Hadalkaaga ugu dambeeyo ha noqoto adoo akhrinaayo .
” Subxaanallaah 33jeer, Al xamdulilaah 33jeer, Alaahu akbar 34jeer “.
7-habeenka barkii kac salaada kahor 2 ilaa 3 saacadood una istaag salaatul laylka adoo niyadaada soo xaadirinaayo dheh ducada marka hurdada laga tooso, cadayga qaado oo cadayo akhri aayadaha ugu dambeeya suurada Al-Cimraan adigoo yaqiin ku akhrinaayo, kadib weseeso adoo akhrinaaya ducada weesada kadib, qaado dharka ugu wanaagsan una qurxoon adoo is qurxinaayo ( sida indho kuxul iyo cadar ).
8-intaanad waxba afkaa saarin toddoba timirood cun iyo qisdi hindi lagu daray malab iyo saliidda zaytuun iyo saliidda xabad sawdada laguna akhriyo aayado quraan ( sidaa aayadaha isha, xasadka, sixirka ) layskuna mariyo meesha ku xanuunaysa , lana badiyo istiqfaarta iyo akhristo suurada baqarah ilaa ay gaarayso salaada subax.
9-salaada subax tugo kadib akhri ducooyinka subaxdi la akhriyo iyo suurada saafaad iyo jaathiyah (inafisamaawaad) iyo kuwo kale aad rabtid.
10-kadib tukoo salaada duxo 2,4,6 ilaa 8 rakacadood ah.
11-Dhagayso ruqyada sharciga ah.
12-salaada duhur tugo oo hawshaada aduunyo iska qabso.
13-salaada casar tugo oo akhri ducooyinka habeenki la dhaho iyo suurada baqarah iyo suurada saafaad iyo suurada dukhaan.
14-inti aad samaysay subaxdi dib u samee galabti.
15-Maqribka gurigaaga joog albaabada xidh adoo dhahaayo ” Bismillaah ” ubadaha xaree weelasha biyaha aad dabooshi iyo daaqadaha adoo dhahaayo ” Bismillaah ” waayo waxaa wakhtiyada foofo shaydaanka albaab xidhana iyo weel daboolan iskama furi karoo shaydaanku kadib salaada makhrib tasbiixso amase takbiirso ama taxmideeso ilaa salaada Ishaaci.
16-Salaada Ishaaci kadib akhriso Suurada baqarah kadib horay u seexo.