Walaalayaal waad kumahadsantihiin sida quruxda badan ee aad iigu soo jwbteen kheer Allaha idiin siiyo

su’aasheydu waxey thy ISHU qofka miyey kusoo laabataa ?
Een hadii uu qofku isaga isku tufaayo oo uu deedna gamcaha iyo lugaha farahooda iska xiro kadibna uu sheydaanku kasoo dhex hadlo sidee baa layeelayaa?
walina uu qofkaasu kaligiisa yahay uuna qol kaligiisa kujiro?
Waxaan kaloo sii raacsanaayaa su’aal kale oo ah qofku tahliil miyuu qoran karaa oo intuu zacfaraan ku qorto kadib miyuu cabi karaa ? hadii uu sidaa yeelo ilaa iyo mudo intee la’eg ayuu wadi karaa?
Runti waanna idiinkaga mahad celinaayaa sida aad umada ugu adeegeysaan iyo hooshaan aad illaahey dartiisa aad u’qabaneysaan miizaankiina Aakhiro Allaha idiinkugu ziyaadiyo. .

Wcs wll aadban kaaga mahadcelinaya sidaa wanagsan aad nooguso gudbisay su’ashaada haddaan uu gudo galo su’ashaada jawaabteeda waa sidan soo socoto:

#Sual_koobaad:

su’aasheydu waxey thy ISHU qofka miyey kusoo laabataa ?

#Jawaab :

#Hordhac :

Marka hore ishu waa xaq waana rassulkeena suuban inoo sheegay haddaba haddii uu qofku adkaarta subax iyo galab uu joogtay waayo oo weeso qab markaste uu ahaan waayo waxaa laga yaaba inay haleesho il xasad sixir iyo Jinkaba idinka ilaahay waayo waxkaste waa qoraal eebe xagiisa ka sugnaaday .

Haddaba Isha iyo sixirka iyo Jinkaba waa layka daweeyo siddi xadiiska ku sugan micnihiisu uu ahaa eebe maso Dajiyo xanuun ilaa waxaa uu soo raacshay dawadiisa kii gartay waa gartay kii kalena waa garan waayay , sida awgeed ishu qof kaliya ka sugnaaday dhowr jeer way kugu dhici karta amase ilooyin dad kala duwan waa ku haleeli karaa haddanan sameenin waxyaabaha aan kuso sheegay hordhaca .

#Sual_labaad :

Een hadii uu qofku isaga isku tufaayo oo uu deedna gamcaha iyo lugaha farahooda iska xiro kadibna uu sheydaanku kasoo dhex hadlo sidee baa layeelayaa?

#Jawaab :

#Hordhac :

Hadafka ugu weyn ayaa ah inuu qofka laftarkiisu isku akhriyo ruqyada Sharciga ah haddi ay tahay Isha xasadka sixirka iyo Jinkaba waana taa aan higsanayno pajkan sidda aad isku garan lahayd calaamooyinka Kadib ruqyada isku akhridid.

Sida awgeed shaydaanku amase jinku marku qofka kalo ayaa ah dhowr ah .

1- Midda hore ayaa ah mid dibad kajoogo oo dhibaatada jidhka dibada ka dhibaateenaya .

2- Midda labaad ayaa ah galid qayb jidhka kamid ah taana waa jiraa waxaana ay tahay markuu rabo qofku inuu hadlo qofku waa hadli karaa haddiise uu rabo jinku amase shaydaanku waa hadli karaa haddaba waa inuu garto mucaalijku qofka hadlaya maa Jinkaba mise Qofkii caadiga ah taana waxay uu baahan tahay uu fiirsasho dheeraad ah, sida awgeed qofkaasi oo kale waa iscilaajin karaa oo jinka waa iska saari karaa haddi uu garto qofkaasi qaabka laysku cilaajiyo isagoo uu baahan mucaalij .

3- midda sadeexaad ayaa ah galid jin amase shaydaan laakinse Qofkii marku dhaco uu shaydaanku kadhex hadlo qofkaasi markaasi ayaa ugu dambeeya garadkiisa micnaya waa mir beelaya wixii uu jinkii kakor Hadley waxba kama oga waa sida qof hurdo kasoo kacay oo kale .

4- Midda afraid ayaa ah galid jin amase shaydaan laakinse Qofkii marku dhaco uu shaydaanku kadhex hadlo qofkaasi garadkiisu waa la socda wixii dhacaayo wixii uu yidhahda jinka iyo mucaalijka waxay dhahaan waa uu dhegeesanaya waana uu jawaabi karaa su’aalaha jinka balse awood uu ma leh inuu afkiisa ku hadlo marku jinku ka kor hadlo .

Haddaba qaabka sadexaad iyo afraad ayaa uu baahan mucaalij amase tufmo lagu akhriyo waana xadiisku rasuulku sheegay micnihiisu ahaa Qofkii walalkiisa wax u tari karo ( anficii ) haa uu taro ( anfaco ) .

#Sual_shanaad:

Waxaan kaloo sii raacsanaayaa su’aal kale oo ah qofku tahliil miyuu qoran karaa oo intuu zacfaraan ku qorto kadib miyuu cabi karaa ? hadii uu sidaa yeelo ilaa iyo mudo intee la’eg ayuu wadi karaa?

#Jawaab :

#Hordhac :

Waxa jira iscilaajin iyo adkaar adkaartu waxay anfac leedahay amase gaashaan uu tahay marka qofka xanuunka uu haleelin haddii tahay isha xasadka sixirka iyo Jinkaba, haddaba qofka waxaa haleelay xanuunadda aan kor ku xusay eebe ha naga ilaaliyo maxaa uu yeelaya qofkaasi dhinac adkaarta ayuu akhrinaya tusaale il xasad ah ayaa haleelay wixii isku akhrinaya adkaarada iyo tufamadii .

Su’aasha mesha taala ayaa ah sheekho xanuunki waa ii haleelay balse muxuu ii taraya adkaarta waxaa wanagsan inaa tufmadda un isku akhriyo , jawaabtu waxay tahay adkaartu waxay gaashaan kuu noqonaysa wixii kale kuguso socotay sidda ilooyin kale amase sixrooyin kale .

#Jawaab:

Qofku mudo intee le’eeg ayuu is cilaajinaya, waxa uu iscilaajinaya ilaa uu caafimaad uu ka dareemayo siddiisi hore u ahaa waana isku dhigii karaa taxliil iyadoo zacfaraanka adeegsanayso .

Hadith micnihiisu uu ahaa wuxuu ahaa eebe dawo wuxuu gashay wixii xalaal ah balse wixii xaraan ah dawo uma Yeelin.

#Walaahu_aclam

Leave a Comment