Su’al markaste iguso noqnoqota oo ah waxba idhax socsocda jidhkayga maxay noqon :

Marka hore inaad aamin Santahay inay jiraan isha xasadka sixirka iyo jinkaba intaasi waxay ku Sahlaysa inaad rumaysid wixii intaas ka dambaysa .

Runti dhowr Qaab ayaa loo fasira waxaa jidh ku dubaaxinayo waxaanu ka hadlayna iyadoo fahfaahsan waana sidan soo socoto :

1- isha amase xasadka
2- sixirka
3- jinkaba

Haddaanu soo qaadano isha amase xasadka .

Marka hore ishu amase xasadku waxay leeyihiin awood waana wixii rasuulku inoo sheegay in isha amase xasadkuba inay qofka ay galiyaan qabriga waana tan aan aamisanahay inay ishu amase xasadku ay ka awood badan tahay sixirka taana waana waxaan tajribo ku Helay cilaajinta dadka fadliga ilaahay , sidaa awgeed waxay awood uu leedahay ishu amase xasadku inay jidhka ay dubaaxiso oo markaste ay dhaqdhaqaajiso jidhka qofka isha amase xasadka ay haleeshay.

2- marka labaad sixir ayay noqon karta waayo sixirku dhowr nooc ayuu leeyahay laakinse waxaan ugala jeeda sixirka midka la guntimo ay saaxiriintu ay guntumaan siduu ilaahay noogu sheegay quraankiisa suuradda Al-falaq .

Sidaa aan soo sheegay sixirkasta wuxuu soo raaciyaa saaxirku jin uu khidmeeya sixirkaasi sida awgeed haddi uu yahay mid la cuno ama riyo lagu cunsiiyo amase cuno lagu rido iyo sharaabkaba waxaay cadeenaysa inuu yahay sixir la guntimay oo wuxuu isku dayaa jinkaasi uu khidmeenaya sixirkaasi inuu kolba Meel uu gudbinaayo jidhka dhexdiisa gaar ahaan jidhka inta badan qaybta bidix ugu badnaan gacanta bidix iyo lugta bidix.

3- marka sadexaad waxaa lagu sheegi karaa jinka kasoo dhowr qaabood ku gala qofka bani’adamka oo badana haddii uu yahay jinkaasi kaafir badana wuxuu jecel yahay jinkaasi jidhka qaybta bidix ayuu ka daga Kan muslimkana ( waa haddii uu yahay jin Muslim daalima) Jidhka qaybta midig .

#Fiiro_Gaar_ah

Qaabka lagu kala saarayo dubaaxintaasi waxay noqon quraanka karimka amase quraan sarkar ah taasina waxay uu baahan tahay tufahu inuu khibrad uu leeyahay kala garasho nooca ay dubaaxinta ay tahay.

#Walaahu_aclam!!!!

Leave a Comment