#WAA_MAXAY_ISHU ?

Isha waa wax ka yimaada jimka & bini aadamka kuna lamaanan jin, taasoo sababta marka qofka la ileysto in uu xanuunsado jir ahaan iyo caqli ahaan, ishu kama imato keliya dadka banaanka ee qofka isaga ayaa is ileysan kara ama ehelkiisa ( dadkiisa) ,marka aad wax jeclaato ama wax ku cajabgeliyaan ,isbar inaad dhahdo maasha allaah,tabarakallaah ,dikriga allaah inaad xustid si aadan walalka muslim ah ama carruurtadaba sabab ugu noqon in uu jin galo

Qeybaha isha
Il Jaceyl.
Il Xasad.

Qaar ka mid ah Calaamadaha isha
Xanuun dhinaca bidixda ah ama culeys
Kuleyl ama dhidid badan khaasadan dhabarka.
Nabro jirka ka soo baxa.
Midabka jirka oo is bedela ama wajiga oo jaale noqta
Walwal (murugo)& laabta ciriri noqota & feker badan.
Oohin ( ooyin ilmeyn) sabab la,aan ah.
madax xanuun ,madax wareer joogta ah
Kaadi badan ,sabab dhaqtarna aysan jirin
Daaco badan
Qofka oo marmar dareema dawakhsanan
hamaansi badan
Caajis iyo shaqada oo ku adkaada
cuno yari, cuno xumo
Gacmo dhidid iyo luga dhidid aay la socdan,xanxanto,jariiracyo,mudmudid,gubasho
Qofka oo la colooba ehelkiisa asxaabtiisa iyo dadkii uu garanayey
qofka oo shaqadda iyo ganacsiga ka fadhiista
Hurdo yari ama Hurdo badni
wadno garaac degdeg ah
Cabsi aan caadi aheyn
Caro badan
xanuun dhabarka qeybta hoose iyo labada garbood dhexdooda
Qofka oo jir ahaan u dhuubta ( caatooba)
Qofka oo dareema marka uu quranka dhageysanayo ama lagu aqrinayo in jirkiisa wax ku dhex soconayaan ama jariiracyo badan
Qofka marka quraanka lagu aqriyo ama uu dhegeysto ooyin la dhaca (ooya) ama dareema
Kali noqosho marmarka qaarkiis
Wadisla’aan shaqo kaste oo shaqooyinka ka mid ah
xanuun jirka si gedis ah ugu dhaca islamarkaana aysan waxba u darin daawada dhaqtarka marka uu istacmaalo
stress & daal & caajis & dhaqdhaqaaq darro & kacsanaan & xanaaq
Qofka oo markasta dhimashada ka walwala
Qofka oo maramar dareema madag ( hunqaaco )
xanuunada ishu sababi karto , kheybo ka mid ah , Kansarka, Sonkor, Neef ,Qalal, Ma dhaleysnimo, Dhiig kar, Dhiiga Dumarka oo xiligiisa isbed bedela, Khaar ka mid ah xanuunada nafsiga ah
iyo calaamado kale oo badan
waxaa laga yaabaa qofka in laga helo calamadahaan dhamaantood ama qaar ka mid ah, waxayna ku xiran tahay awooda isha iyo tirada ilaha
waxaa laga yaabaa in qofka laga heli karo calamadahaan khaar ka mid ah asoon la ileysan ,sababa la xariira xanuun ku dhacay xubnaha jirkiisa ama xanuun nafsi ah .

Dardaaran, Xanuunka iyo dhibaatada waa qadar alle uu keeno waxaana qaadi kara allaah keligiis, waana in lagu sabraa lana weydiisto inuu qaado

walaal waxaa kuu wanaagsan inaad ruqyada dhegaha gashatid adigoo isticmaalaya sameecada ama (headphone) (koptelefoon ) islamarkaana aan mashquulsaneyn si aad quraanka ula socodid.
👇👇

Leave a Comment