1- Xasidku waa ka indha laayahay kan ileeyaha, waayo kan wax ileeya waa xaasid u gaar ah , mid kasto wax ileeyana waa xaasid, Lakin kama dhigno mid kasto xaasid ah inuu yahay ileeye, sida awgeed ayay ku timiday xuska in laga magangalo suurada { Al-Falaq } Xaasidkasta, Marku ka magangalo muslimku sharka xaasidka waxa soo dhax galaya ileeyaha, taana waxaa guud ahaan cadeenaysa mucjisada uu leeyahay quraanku iyo balaaqadiisa.
2- Xasadku wuxuu ku yimanaya nacayb iyo ur xumo iyo Rajaynta baaba’a nicmada , ishuse waxay ahaanayaan sababo wax cajabiyay iyo wax u bogsasho iyo wanaajinta eegmada.
3- Xasadka iyo ishu waxa ku wadagaan dhacdada taaso wax geystaan dhibaatooyin kan wax la eleeyay iyo kan wax la xasday, waxayna ku kala duwan yihiin asalkooga, Waayo asalka xasadku waa nacayb iyo ur xumo iyo Rajaynta baaba’a nicmada ,Sidoo kale ishuna asalkeegu waa cajabin iyo wax u bogsasho iyo wanaajinta eegmada. Sidaa awgeed bay ku dhici karta mid ku xasdayn haddii ay ahaato xayawaanka, beerta, lacagta , laga yaaba inuu naftiisa is ileeyo , Wax baad eegtay egmo ku cajab gashay oo ku koobtay egmada oo urka karajeesay inaad heshid waxaa haleelaysa isha.
4- Xaasidku waxa dhacda inuu xasdo arrin dhicidoon oo hadda dhicin intuusan dhicin halka ileeyuhu wax ma ileeya waxyaabaha hadda la sameenayo.
5- Qofku insaanku ma xasdo naftiisa iyo lacagtiisaba balse waa is ileesan karaa.
6- Xasadku kuma dhaco waxan ahayn naf xun oo xaaqidda, balse ishu waxay ku dhacda qofka wanagsan ( Saalixa ah ) dhinaca inu wax cajab gasho wax isagoo rabin inuu baabi’in.
Ciddii waxa kala saaray xasadka iyo ishu waxa kamida ibn jawzi iyo ibn qayim iyo ibn xajar iyo nawawi iyo kuwo kale dhammaan ilaahay haka raalinoqde.
Waxaan mustaxaba ah in muslimku haddii u arko wax cajab gasho walalkii inuu u barakeeyo, taasi ah inuu u duceeyo haddii ay noqoto wax mid isagu leeyahay amase mid kale.